Ciidamada Dowlada Oo Degmada Dayniile Si Arxan Daro Ah Ugu Dilay Nin Mu’adin Masjid Ahaa..

Wararka aan saakay ka heleyno Xaafada Siisii Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saakay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ay halkaasi si naxariis dara ah ugu dileen nin Mu’adin Masjid ahaa oo Magaciisa lagu soo koobay Macalin Asad.

Ciidamada ayaa ninkan Mu’dinka ahaa waxa ay kasoo qabteen gudaha Masaajidka xiligaas uu aadaamay Salaadii Subax , waxaana la sheegay ciidamada kahor inta aysan dilin ninkan ay si xun u ciqaabeen kadibna dharkii uu watay ka siibeen halkaasna ugu dambeyn ku toogteen goobo Qabuuro ah oo dadka lagu aaso.

Goob joogayaal kusugan Xaafada Sii sii ee Degmada Dayniile ayaa noo dheegay in ay aad uga argagaxeen dhacdadan lagu dilay ninkan Mu’adinka ahaa xaafadana caanka ka ahaa iyadaoona jirin wax sabab ah oo loo dilay Wadaadkaasi.

Wararka kale aan heleyno ayaa sheegaya in xalay Goob ay ciidamo katirsan Dowlada Sii Sii kaga sugnaayeen in Bambaano lagu weeraray howlgal ay Ciidanku saakay sameeyeena ay Ninkan Mu’adinka ah ku soo qabteen kadibna sida naxariis dara ah u dileen iyada oo aan wax maxkamada hadii danbi xitaa lagu hayay aan la horgayn.

Q.w.Sugulle mohamoud

fariintaadda halkan ku dhaaf