Daawo Sawirada’ Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku toogtay Nin katirsan Al-Shabaab oo maanta dilay Askari katirsanaa Ciidanka Dowlada

image

Waxaa Maanta Saldhiga Degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu soo bandhigay Meydka nin la sheegay in uu Al-Shabaab katirsanaa kaa oo maanta Isgooska Fagax ku toogtay Askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Ninkan Meydkiisa lasoo bandhigay ayaa Magaciisa lagu sheegay C/risaaq Yeman waxa uuna Maanta isgooska Fagax ku toogtay askari katirsanaa Ciidanka Dowlada , waxaana la sheegay in Ciidamo katirsan Dowlada ee gacanta ku dhigeen ninkan dilka geestay kadibna ay toogteen.

Ninkan Meydkiisa lasoo bandhigay ayaa waxaa xabadka loo saaray Biskooladii uu watay kuna dilay Askariga katirsanaa Ciidanka Dowlada waxa ayna sheegeen Saraakiisha Dowlada in ninkan qabashadiisa iska kaashadeyn Shacabka Degmada Yaqshiid iyo Ciidanka Dowlada.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Jurus ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka oo gacan ka helaya shacabka ay ku guuleeysteen toogashada Ninkan Al-Shabaabkatirsanaa ee dilka u geeystay askariga ka tirsanaa ciidamada booliska soomaaliya.

image

image

image

image

X.allbanaadir.com
H.W.Sugulle Mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s