Sargaal sare oo katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo Hubeesan ayaa caawa Isgooska Banaadir ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen Sargaal sare oo katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya.

Rag Biskoolado ku hubeesan ayaa toogtay Sargaalkan oo magaciisa lagu sheegay C/Raxmaan Caato oo ahaa Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida ee Degmada Dharkeenley waxaana la sheegay Kooxaha hubeesan ee dilay Sargaalkan in ay ka qaateen Bistoolad uu watay.

Daqiiqado yar kadib markii la dilay Sargaalkan katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxaa goobta lagu dilay soo gaaray ciidamo katirsan Dowlada oo halkaasi ka qaaday Meydka Sargaalkan howlgalana goobtaasi ka sameeyay.

Ma jiro cid sheegatay dilka ninkan la sheegay in uu ahaa Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida ee Degmada Dharkeenley , mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay taliska Nabad Sugida Soomaaliya oo ku aadan dilka Sargaalkan katirsanaa Nabad Sugida.

X.allbanaadir.com
H.W.Sugulle mohamoud
Hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s