Dhacdo Xanuun badan oo xalay ka Dhacday Muqdisho kadib markii Farxad aroos daqiiqado kadib geeri isku badashay

Waxaa Xalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka dhacday dhacdo xanuun badan dad badana ka ilmeesiisay kadib markii kooxo manaxayaal ah ay dileen Wiil dhalinyaro ahaa oo isla xalay ku aroosay Degmadaasi.

Dhacdada ayaa dhacday sida dad goob joogayaal ah ku warameen markii ay soo dhamaatay xaflada arooska iyo galbiska waxaana la tilmaamay in Wiilka arooska ahaa uu guriga ka waday si uu u dhaweeyo gabar ehelka ah oo markaasi howsha u qabaneesay arooska.

Wiilka oo gabadha sii dhaweenaya ayaa mar qura waxaa rasaas ooda uga qaaday koox Hubeesan aan la garan sababta ay u weerareen waxa ayna halkaasi ku dileen Wiilkii arooska ahaa oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Maxamud Geedi oo loo yaqaanay Ciilow.

Warar aan helnay ayaa sheegaya Ninkan arooska ahaa ee la dilay uu ka yimid dhawaan Dalka Koonfur Afrika uuna xalay ku aqal galay Degmada Kaaraan , iyadoona farxadii iyo damaashaadkii arooska mar qura isku bashay murugo .

Ninka Dilka geestay ayaa gacanta lagu dhigay waxaana xiligan uu ku xiran yahay Xarunta Dambi baarista ee Magaalada Muqdisho sida la xaqiijiyay waxa uuna ninkan qirtay in falkaasi ay kadambeeyeen isaga iyo rag kale ay wada socdeen.

gabadha xalay aroosada aheed ee ninkeeda la dilay ayaa dhawaan un laga dajiyay asaay ay siday kadib markii la dilay ninkii iyada qabay , tana ayaa hadana noqotay dhacdo kale oo murugo badan oo gabadhaasi qabsatay kaliftayna in mar kale ay asaay qaado..

Dhacdadan ayaa noqoneysa mid kamid ah Dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho , iyadoona dhacdooyinka argagaxa leh ee mudooyinkan dambe noqonayeen kuwa kusoo kordha Magaalada.

warsugansomaliya news desk

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s