Maamulka Muqdisho oo si aan gabasho laheyn ay qeyb uga noqotay hey’ada Shisheeye (Sababtu maxey tahay?)

Wadada xariirisa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo KM4 ayaa waxaa waayihii danbe ay isu bedeshay meel uusan ka socan amarka dowlada Soomaaliya iyada oo ay maamulkeeda la wareegtay hey’adda loo yaqaanno UNDP oo in badan oo Soomaalida kamid ah ay ugu yeeraan mid kamid ah caqabadaha ku hor gudban hanaanka dowlad wanaaga dalkeenna.
image
Iyada oo horay loo ogaa in dhagxaan waa weyn bartamaha wadada laga dhigay ayaa markaan aritu waxa ay kasii dartay sidii hore waxaana bilaabatay kala faquuqid gaadiidka lagu sameynayo xiliga ay marayaan.

Gaadiidku marka uu kusii jeedo garoonka ayaa waxaa lagu joojinayaa meel ugu badnaan 100 mitir u jirta isgoyska KM4, waxaana halkaasi laga sii deynayaa oo kali ah gaarigii aqoonsi wata, waxaana arinta ugu dhibka badan ay dhaceysaa marka laga yimaado garoonka oo loo soo jeheesto dhanka KM4 markaas oo gaadiidka aysan laheyn UNDP aan loo ogolaaneyn in uu wadadaasi soo maro.

Gaadiidka ayaa waxaa lagu amrayaa in ay maraan wada garoonka diyaaradaha dhiniciisa marta oo soo aada dhanka 21-ka October arintaas oo walaac ku abuurtay Soomaalida.
Ciidamada amarkaasi bixinaya ee gaadiidka u diidaya wadada ayaa waxa ay yihiin Soomaali aan la gabaneyn hadalka aan maqalka ku wanaagsaneyn ee ah in UNDP uun loo ogolyahay, waxaana wariye ka shaqeeya Muqdisho oo arintaani la kulmay uu sheegay in askarigii gaarigiisa celiyay uu ku yiri, “Marimeysid halkaan hadii aadan ka socan UNDP.

Xitaa lama ogola in ay maraan gaadiidka ay leyihiin qolada waaxda socdaalka ee dhismahaasi muuqda leh”.
image
Ficilkaan naxdinta leh ayaa waxa uu muujinayaa in dowlada Soomaaliya ee lagu cel-celiyo in caalamku u haayo xushmad iyo aqoonsi aysan gudahaba aqoonsi ka heysay oo howlaheedii Muhiimka ahaa ay hey’ado xanibayaan.
image
Isku soo wada duuboo, dhibka ka taagan wadada xariirisa garoonka Aadan Cadde iyo magaalada inteeda kale ayaa waxa ay bilaabatay markii dowlada Turkigu ay ku dhawaaqday in ay dhiseyso oo ay kasoo saareyso mid kamid ah wadooyinka ugu cajiibsan qaarada Afrika, iyada oo wixii xilligaa ka danbeeyay la dhigay dhagxaanta la’aaminsanyahay in horumarka looga soo hor-jeedo

Q.w.Sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s