Qodobada heshiiska adisababa ee u dhaxeeya dawlada soomaaliya iyo maamulka jubaland.

Qodobada heshiiska la filayo in ay wada saxiixaan maamulka gacanta ku haya kismaayo iyo dawlada federalka soomaaliya ayaa hada gabangabo ah sida ay sheegayaan illo xog ogaal ah oo ku dhaw shirka ka socda adisababa.
Shirkan oo ay martigelineyso dawlada itoobiya ayaa la doonayaa in ay wada heshiiyaan dawlada federalka soomaaliya oo looga adkaadey kismaayo iyo maamulka axmed madoobe oo waqtigan xaadirka ah gacanta ku haya kismaayo kadib dagaallo uu la galey xubno ismagacaabey iyo dawlada dhexe ee soomaaliya.
Qodobada ilaa hadda la sheegayo in la soo hadalqaadey ayaa waxaa ka mid ah
1 in dawlada soomaaliya aqoonsato maamulka uu hugaamiyo sh axmed madoobe.
2 in dhaqaalaha dekedda iyo garonka kismaayo ay dawlada dhexe ku yeelato 50% daqliga kasoo xarooda.
3 in m/weyne ku xigeenka hadda uu hayo general fartaag laga qaado lana siiyo beesha shiiqaal,maadaama ay isku heyb yihiin axmed madoobe iyo fartaag.
4 in dib loo soo celiyo ciidamadii dawladda dhexe ee kismaayo ku sugnaa dagaalki kismaayo ka dhacey ka hor,iyo qodobo kalle.
Heshiiskan ayaa hadii leysku afgarto waxa uu ku soo beegmayaa xilli la filayey in shir dib u heshiisiin loo qabto beelaha wada dega kismaayo uu ka dhaco muqdisho kaas oo u muuqda in uu bedeley kan hada ka socda caasimada itoobiya ee adis abba.

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

fariintaadda halkan ku dhaaf