Dowlada Soomaaliya oo burburisay Ama Dhulka La sintay Masjidka Taariikhiga ee magaalada Muqdisho!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay baabi’isay mid ka mid taariiqda faca weyn ee magaalada Muqdisho ay ku caanka ahayd islamarkaana ka marqaati kacaysay taariiqda iyo xadaarada magaaladaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay gebi ahaanba ay dhulka dhigtay islamarkaana ay burburisay masaajidka Cabdulcasiis oo ahaa masjid taariiqi ahaa ee kan mid ahaa oo ka turjumaayey xadaarada faca weyn ee magaalada Muqdisho iyadoona uu masaajidkaas ahaa mid dhisnaa ku dhwaad 1000 sanandood, Masaajidka C/casiis oo uu bur bur waxoogaa ah ka soo gaarey dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay dowlada Soomaaliyeed horey u sheegtay inay dayctir ku sameyn doonto dhismaha masaajidkaas taariiqiga ah, Laakiin arintaas ayaa sida muuqata waxay tahay mid aan dhicin Burburinta masaajidkaas oo ah mid meel ka dhac ku ah dhamaan umada Soomaaliyeed islamarkaana tirtireysa meeshana ka saareysa mid ka mid ah taariiqaha faca weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxay wararku sheegayaan in dowlada Soomaaliya ay dhulka masaajidka ugu deeqday dowlada Mareykanka si ay halkaas uga dhisato safaarada dalka Mareykanka iyadoona sida la sheegay ay burburinta masaajidku ay qeyb ka tahay u diyaarinta dhulkaas sidii looga dhisi lahaa safaarada dalkaas Mareykanka.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay tahay wax laga xumaado inay dowlada Soomaaliyeed ay qaadato go’aankaas wax loogu dhimaaya magaca iyo taariiqda caasimada dalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Maxamed Axmed Kulalihi oo u dhawaantaan waxaa uu ka cambaareeyey arintaas baarlamaanka Soomaaliyeed fadhigiisii asagoona ku tilmaamay inay dowlada Soomaaliyeed ay gashay fal dambiyeed qaran maamdaama ay dhismaha masaajidkaas ay siisay dowlada dalka mMareykanka si ay safaarad uga dhigtaan, Qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaa falkaan waxaa uu ku noqday mid la yaab leh ayaga oo is weydiinaaya cida kula talisay dowlada Soomaaliyeed ku dhaqaaqista falkaas la yaabka leh ee wax loogu dhimaayo caasimada dalka Soomaaliyeed.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Masjidka.

Q.w.sugulle mohamoud
Hedmark. Norway

fariintaadda halkan ku dhaaf