Weriyayaasha ka howlgala warbaahinta Magaalada Muqdisho oo ku xabisan goobaha ay ka shaqeeyaan!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Weriyayaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala warbaahinta kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay ku nool yihiin cabsi iyo well wel joogto ah iyadoona ay badankoodu ka xabisan yihiin goobaha ay ka shaqeeyaan oo aysan dibada uga bixi karin cabsi awgeed.

HALKAN RIIX OO DAAWO MUUQAALKA

 Weriyayaasha ka howlgala idaacadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay ku nool yihiin cabsi iyo wel wel joogto, iyadoona uu hoygooda iyo shaqadoodu ay isku meel tahay oo ayna ku xabisan yihiin xarunta ay ka howlgalaan.

Weriyayaasha ka howl gala idaacad Shabeele ayaa waxay ka mid yihiin weriyayaasha ay cabsidu ku haysato magaalada Muqdisho ayagoona ay weriyaashaas ay badankoodu ay ku nool yihiin xarunta idaacadaas iyadoona aysan jirin cid ka bixi karta maadaama ay naftoodu u cabsi qabaan, iyadoona sida uu sheegay Xasan Sheekh Abuukar oo ka mid ah weriyayaasha idaacada Shabeele inay ku xabisan yihiin idaacada oo aysan booqan karin xataa eheladooda maadaama ay nafsadooda u baqayaan islamarkaana aysan haysan ilaalo fiican oo ay isku halayn karaan hadii ay damcaan inay ka baxaan goobtooda shaqo.

 Ugu dambeyntiina iyadoo weriyayaasha Soomaaliyeed ay haysato dhibaato baaxad weyn ah oo la xiriirto amnigooda ayaa waxaa caadi ka noqotey dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho in weriyaasha la dilo oo la bartilmaamsado iyadoona sanadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa iyo 18 wariye halka sanadkaana ay tirado mareyso ilaa iyo 6 weriye arintaas oo keentay inay wariyayaashu ay nafsadoodu ay u baqaan.

dilalaka loo geysto wariyayaasha oo aan intooda badan xal loo helin islamarkaana aan cid loo qaban ayaa waxaa loo aaneynayaa inay ka masuul yihiin maleeshiyaadka kooxda Alshabaab inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho dilalakaas aan wax ujeedka ah lahayn ee lala beegsado wariyaasha ka howlgala warbaahinta dalka Soomaaliya. 

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodø.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s