Dumarka Cabaya Sunta oo ku Soo badanaya Magaalada Muqdisho(Daawo Muuqaal Dhacdo Xanuun badan oo Dhacday)

Dhacdo naxdin iyo xanuun badan ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacaday magaalada Muqdisho ka dib markii haweeney ku nool magaaladaas ay cabtay sun si ay isku disho maadaama ay dhibaato weyn kala kulantey ninka qabey oo ay ahayd xaaskiisa.

Haweeneydaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nasro Maxamed Cabdulqaadir oo 19 sano jir ah kuna nool degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan ay cabtay sun si ay isku disho oo ay nefta isaga qaado, gabadhaan oo cibtaanka suntaasi uu ka soo gaarey dhaawac islamaekaana lagu daaweynaanyo isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay inay ku kaliftay inay suntaas cabto maadaama ay qaati ka taagan tahay ninkii qabay oo ay ka weysay masruuf iyo marasho islamrkaana u diiday inuu furo, Gabadhaan ayaa waxay sheegtay inay dadaalo badan oo ay ku raadisay inay arintaas xal u hesho inay waxba ka suuro gali waayeen taas oo ay sheegtay inay ugu dambeyntiina ay go’aansatey inay nolosha is dhaafiso oo ay is disho maadaama ay quus ka gaartey arinta u dhexeysa iyada iyo ninkeeda oo ay sheegtay inay si aad iyo aad ah ay u jeceshahay.Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaas Soomaaliyeed hada lagu daaweynaayo isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay inuu ninkeeda ka tirsan ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliyeed uu sidoo kale ka dhega adeygay dacwada ay u gudbisay ciidamada booliiska asagoona hanjabaad u jeediyey gabadhaas iyo ciidanka booliiskaba, Haweeneydaan ayaa waxay codsi u dirtey taliyaha ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Afgooye oo uu ka tirsan yahay odeygeeda ayadoona ka codsatey in arinteeda si deg deg ah wax looga qabto islamarkaana aninkaas looga soo qaado madaxeeda ama warqadeeda furiinka. 

daawo warbixinta gabadha.

warsugansomaliya news desk

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s