Wafdi ka koobnaa Wasiirro iyo Xildhibaanno oo maanta booqday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka

Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo isugu jiray wasiirro iyo qaar ka mid xildhibaannada baarlamaanka oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xusseen Guuleed oo ay ka mid ahaayeen wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar Max’ed, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne.

Wafdiga ayaa booqday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo Taladaadii aynu soo dhaafnay weerar isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ah ay ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyaga oo u kuur-gallay khasaaraha iyo bur-burka ka dhashay qaraxa, waxaana halkaa warbixin ku siiyay saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti ee goob jooga u ahaa weerarkii dhacay lagu qaaday saldhiga.

Intaa kadib xubnaha gollaha wasiirrada ayaa u gudbay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo ay jiifaan qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee  ku dhaawacmay weerarka, iyaga oo mid mid isku dul-taagay dadka dhaawaca qaba, kana wareystay xaaladooda caafimaad dhaqaatiirta isbitaalka.

Markii ay soo dhameysteen booqashada bukuunka kadib ayeey ku wareejiyeen wafdiga agaasimaha guud ee isbitaalka Dr Axmed Max’ed Khaliif deeq dawo ah oo ay bixisay wasaarrada hormarinta adeega bulshada oo loogu talagalay in lagula tacaalo xaalada caafimaad ee bukaanka ku jira isbitaalka… 

wariye faysal muuse adam email faysalhassan1@hotmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s