Daawo Sawirada Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Saldhiga Booliiska Magaalada Baladweyn

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay sii kordheen qasaaraha ka dhashay weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Saldhiga Booliiska Magaaladaasi.

Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay afaafka hore ee Saldhiga Booliiska iyadoona xiligaasi kadib rag hubeesan oo katirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhiga Booliiska lana wareegeen mudo kooban.

Waxaa dagaal culus oo ku dhawaad saacad socday gudaha saldhiga uu ku dhax maray ragii hubeesnaa ee galay xarunta Booliiska iyo Ciidamadii halkaasi ku jiray iyo ciidamo kale oo katirsan Booliiska iyo AMISOM oo kusoo baxay Weerarka.

inta la xaqiijiyay ilaa 17-qof oo u badnaa Ciidamo Booliiska ah ayaa ku dhintay qaraxa Ismiidaaminta ah iyo Weerarkii ka dambeeyay iyadoona tiro kale oo dhaawacyo ah la gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladweyn.

Dadka dhintay waxaa ku jira Ragii weerarka geestay oon wali si rasmi ah tiradooda loo heyn , waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ay baxsadeen qaar kamid ah ragii Weerarka ku galay gudaha Saldhiga Booliiska.

Xaalada ayaa ah wali mid kacsan waxaana Saldhiga la weeraray soo buux dhaafiyay ciidamo katirsan Dowlada iyo AMISOM kuwaa oo xiray wadooyinka laga galo saldhiga sidoo kale halkaasi baaritaano ilaa hada kawada.

Xaalada Magaalada Baladweyn ayaa ah mid kacsan oo si weyn looga dareemayo saameynta Weerarka Ismiidaaminta ah ee dadka badan ku dhinteen ee maanta ka dhacay saldhiga Booliiska ee Magaalada Baladweyn.

Wariye.Axmed faandhe

axmed fandhe1







Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s