Qarax ka dhacay caawa iridka hore Hotelka Maka Al-Mukarama

Qarax weyn oo loo adeegsaday gaari la dhigay iridka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa caawa ka dhacay halkaasi, iyadoo qaraxan inta uusan dhicin ka hor saacad gudaha Hotelka uu ka dhacay qarax yar oo uu sameeyay Laptop uu watay nin la sheegay in uu is qarxin rabay.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogganaa ayaa geystay Dhaawaca Sedax qof inta la og yahay ilaa hadda iyo khasaare bur bur gaadiid goobta ku baakin gareynaa iyo dhisnooyinkii ka dhawaa.Warar kala duwan ayaa ka soo baxayaan qaabka uu u dhacay qaraxan. Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay gaari lasoo dhigay iridka hore ee Maka Al-Mukarama, halka warar kale ay tilmaamayaan in nin naftii hure ah uu gaariga saarnaa kuna dhuftay iridka hore ee Hotelka.

Dadka waxyeelada kasoo gaaray ayaa la sheegayaa iney u badnaayeen dad ku sugnaa Maqaayadda Hotelka oo xiligaasi ka casheynayay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa goobta gaaray, waxayna tahay goobta qaraxa ka dhacay mid aad u buuq badan maadaama wadadaasi ay tahay wado aad dadka ugu badan yihiin.

Qaraxan khasaaraha dhaliyay ayaa waxaa ka horeeyay mid yar oo ka dhashay Computer Laptop uu watay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa gudaha Hotelka, kaasoo la sheegay in uu is qarxin rabay, balse ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen.

Wixxii kusoo kordha qaraxani wararkeena danbe ayaa ku faah faahin doonaa Insha Allaah

Wariye:Ahmed faandhe

axmed fandhe1

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s