Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hambalyeeyey Ciida Carafo, kana hadlay howlaha Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa ugu hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan
meel walba oo ay caalamka ka joogaan Munaasabadda Ciida Carafo (Ciidul
Adxa).

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Mahad oo dhan
Alle ayaa iska leh, Alle ayaa weyn, dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed meel
walba oo ay aduunka kaga noolyihiin iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka
waxaan ugu hambalyeynayaa Ciida Carafo waxaanna leeyahay Ciid Wanaagsan,
Sanadkaan sanad wanaagsan Alle hanooga dhigo “Kulu Caamin wa antum
bikheyr”.

“waxaan Alle uga baryayaa dhammaan inta Xujeyda ah ee gudatay waajibaadka
Xajka inuu Alle ka aqbalo, intii noosoo duceysayna uu ducadooda Alle inoo
aqbalo,sidoo kalena intii soontay maalinta kheyrka badan ee 9ka bisha
Dul-Xaj inuu iyana Alle ka aqbalo soonkooda,dhammaanna inta cibaadeysatay
Alle inuu naga wada aqbalo ayaan ka rajeyneynaa aduun iyo aakhirana uu
naxariistiisa na siiyo”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa fariin gaar ah u diray Xildhibaannada
waxaana uu yiri “Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan si gaar ah ugala
hadlayaa in shaqo wanaagsan ay soo qabteen mudada sanadka ah ee ay
shaqeynayeen, ammaan buuxda ayaan u jeedinayaa,waxaanse ku wargelinayaa in
sanadkan soo socda ay bilaaban doonto shaqadii ugu cusleyd ee Baarlamaanka
loo xilsaaray sidaas darteedna la doonayo iney kuligooda u diyaar
garoobaan sidii ay shacabkooda si harag la’aan ah ugu adeegi lahaayeen”

“shacbiga waxaan ku wargelinayaa iney Kalsooni nagu qabaan inaan
dadaalkeenna ku aadan sidii dalkan ku gaari lahaa nabad,xasilooni
siyaasadeed iyo hormar aanan ka hagran doonin ,marna gadaal uga guran
doonin in dalkaan uu hormar ku talaabsado”ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka si
gaar ah ugu diray shacbiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu ku baraarujiyey
shacabka sunada Nabiga CSW maadaama ay ciidaan tahay ciidii weyneyd
ineysan ilaabin in loo roonaado oo la caawiyo dadka aanan hantida laheyn
oo qof walba uu sadaqada xasuusnaado,la isna caawiyo waxaana uu Alle ka
baryey in shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uu
qalinkooda,qowlkooda iyo qaluubtooda uu iswaafajiyo , sidoo kalena waxa uu
Alle uga baryey shacbiga Soomaaliyeed in sanadkaan sanadka xiga uu ku
gaarsiiyo Nabad,Barwaaqo iyo Hormar.

CIID WANAAGSAN CIID MUBAARAK … by faysal muuse adam ..email faysalhassan1@hotmail.com…denmark

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s