Fanaanka Xuseen Shire Ciyaar Jecel oo ciidamada qaranka ka dhigay mid suuxa iyo mid oohin la dhaca!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Fanaan Xuseen Shire Ciyaar Jecel ayaa ayaa waxaa la sheegay inuu ciidamada qaranka Soomaaliyeed uu ka dhigay mid suuxa iyo mid oohin af labadii yeeray oo ay ilmaduna ka qubanayso oo la aamusin waayey ka dib markii uu heeso qiiro badan oo shacuurtooda kiciyey uu ugu luuqeeyey ciidamadaas. 

Fanaanka Xuseen Shire Ciyaar Jecel oo ka tirsan kooxda Qaylo dhaan oo dhawaantaan soo gaarey magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu booqasho uu ugu tegay ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee tababarka ugu socdo xerada tababarka ciidamada ee ku taala Jasiira uu halkaas ku soo bandhigay heeso wadani ah oo qiiro galiyey ciidamadaas iyadoona ay qaar ka mid ahaa ciidamadaas oo ay heesahaas qiirada ah ay ka tan badiyeen ay goobtaas ku suuxeen halka kuwo kalena ay oohin af labadii yeereen oo ay qiiro darteed la ooyeen, Goobtaas uu fanaanku ku soo bandhigay heesahaas qiirada xambaarsan ayaa dhamaan dadkii ku sugnaa waxay ahaayeen kuwo ay ilmadau ka qubaneyso islamarkaana la ooynaayey heesahaas qiireysan ee uu soo bandhigay fanaankaas lagu magacaabo Xuseen Shire Ciyaar Jecel.Ugu dambeyntiina iyadoo fanaankaas Xuseen Shire Ciyaar Jecel oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee kooxda Qayladhaan oo ah koox ku caan baxday guubaabinta iyo dhiirigalinta shacabka Soomaaliyeed sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen sharaftii iyo sumcadii ay Soomaaliya ku lahayd aduunka ayaa waxaa kale oo ay kooxdaas Qeylodhaan ay ku caan yihiin heesaha ay ku cabiraan dhibaatada ka soo gaarta shacabka Soomaaliyeed qaraxyada ay la beegsadaan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo ay ku laayaan shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. 

Halkan ka Daawo

.. wariye faysal muuse adam

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s