Siyaasiiynta iyo Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle oo kusii qulqulaya magaalada Baydhabo iyo Gudoomiye Jawaari oo lagu wado inuu halkaa gaaro saacadaha soo socda.

Xildhibaanada,Siyiisiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa saacidii lasoo dhaafay ku qulqulaya  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,waxaana Baydhabo gaaray xildhibaano fara badan oo ka soo jeeda beelahaas.

Waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Baydhabo gaaro wafti ka ballaaran oo ay ka mid yihiin xildhibaano iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kusoo waramaya in xiligan ay gudaha garoonka diyaaradaha  ku sugan yihiin dhammaan masuuliyiinta maamulka gobolka Baay,xildhibaanadii magaalada gaaray iyo odayaasha dhaqanka oo ku hawlan qabanqaabada soo dhaweynta waftiga uu horkacayo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari ee ku wajahan magaalada Baydhabo.

Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegaya in Safarka gudoomiye Jawaari ee magaalada Baydhabo uu ka danbeeyey kadib markii sida ay sheegeen uu u dhega nuglaaday baaq shalay kasoo baxay odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle oo ahaa in dhammaan masuuliyiinta beelahaas ee dowladda ku jira ay Baydhabo ku tagaan muddo  2 cisho gudahood ah hadii kalane aysan Matalin beelahaas.

Lama oga waxa ay salka ku hayso booqashada gudoomiyaha baarlamaanka ee magaalada Baydhabo,maalmahan danbe waxaa Baydhabo ka socday dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed oo dowladda looga soo horjeedo tan iyo  wixii ka danbeeyey markii ay dowladdu aqoonsatay maamulka Jubba.

Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo ka socda dadaalo ay wadaan Siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle oo ay ku doonayaan iney ku dhisaan maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo sida ay sheegeen ka koobnaan doona gobolada Baay,Bakool,Shabeelaha hoose,Gedo,Jubada hoose iyo Jubada dhexe,ujeedka Safarka gudoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa inuu ka warbixiyo saacadaha soo socda.

 

Q.W.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s