Shariif Xasan iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo ku wajahan Baydhabo iyo Xog ku aadan ujeedka socdaalkooda

Warar lagu kalsoonyahay oo la helayo ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi xildhibaano ah in ay ku wajahanyihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay maalmaha soo aadan.

Ujeedka Shariif Xasan iyo Xubnaha lasocda ayaa la sheegay in ay tahay mid ay ku doonayaan in ay ku dajiyaan Shacabka Gobolada Baay iyo Bakool sidoo kale Baydhabo ka bilaabaan qorsho Maamul Goboleed loogu dhisayo sadaxda Gobol ee kala ah Baay , Bakool iyo Sh/Hoose.

Shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool ayaa Mucaaradad lasoo baxay tan iyo markii Magaalada Adis ababa Heshiis kuwada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubba uu Hpgaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Shariif xasan oo ah Nin aan Siyaasadiisa aan la fahmi Karin ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa maamul goboleed loo dhiso Sadaxda Gobolka ee Baay , Bakool iyo Sh/Hoose in kastoo qorshihiisa waayihii hore uu culees kala kulmayay dhinaca Dowlada oo iyadu kasoo horjeeday maamulkaasi.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka ayaa hada dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho si uu uga faa’iideesto qilaafka ka dhax taagan Odayaasha Dhaqanka Gobolada Baay iyo Bakool iyo Dowlada uuna ka dhaadhiciyo odayaasha iyo dadka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool in ay dhistaan Maamul Goboleed uu isagu hor boodayo lana mid ah maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Dibad baxyo shalay iyo marar sii horeesay ka dhacay Magaalada Byadhabo ayaa la sheegay in lacag fara badan abaabulkeeda uu ku bixiyay Shariif Xasan Sheekh Aadan si uu iskaga horkeeno Dowlada Federaalka iyo Shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool.

Shalay ayey aheed markii Odayaadha Dhaqanka Gobolada Baay iyo Bakool ay ku amreen Xubnaha Dowlada ugu jiro in labo maalin gudahood ay Baydhabo ku yimaadaan hadii ay kafiirsan doonaan in ay Dowlada uga sii mid ahaadaan.

 

Q.W.Sugulle Mahamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s