Dhacdo Xanuun badan oo shalay ka dhacday Muqdisho iyo dadkii dhacdadaasi ku lugta lahaa oo Xabsi lagu guray

Waxaa Shalay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ka dhacday Dhacdo xanuun badan oo keentay geeri iyadoona in badan oo kamid ah dadkii dhacdadaasi ku lugta lahaa Xabsiga la dhigay.

Sheekada ayaana ku bilaabatay Wiil iyo Gabar Iskooley ah si hoosana saaxiibo u ahaa ayaa ugu dambeyntii is maher qarsaday waxaana soo baxday in gabadhii Uur kusoo baxo , mudo kooban kadib waxaa uurka ogaatay Hooyada dhashay Gabadha waxa ayna weydiisay cida uurka u yeeshay , gabadha ayaana durba u sheegtay wiilka uurkaasi iska leh balse Hooyada gabadha dhashay oo Wiilka qabiil ahaan u liideysay ayaa u sheegtay gabadheeda ilmo uu ninkaas leeyahay in aysan rabin kuna amartay in ay daba raacdo meelna geesto.

Gabadhii uu xaalka ku xun yahay ayaa u sheegtay Wiilka iyada qabay dhibka ay hooyadeed kala kulantay waxa uuna Wiilka Durba gabadhii u ka xeeyay gurigooda waxa uuna arintii u sheegay Hooyadiis , Hooyada dhashay Wiilka ayaa markii ay wareesatay wiilkeeda cida ay tahay Gabarta ayaa iyana wiilkeeda u sheegaty in cidaasi gabartooda uusan qabi Karin sidaa darteed loo baahan yahay in gabadha Cunuga Caloosha uga jira laga soo rido kadibna reerkooda ku noqoto iyada oo caadi ah.

Fakir iyo Dood dheer kadib waxaa la qaatay rayigii ay keentay Wiilka Hooyadiis waxaana gabadhii la geeyay goob caafimaad si ilmaha Uurka ku jira banaanka loo soo saaro , waxaana Ugu dambeyn gabadhii lagu duray daawooyin si ilmaha looga soo daadiyo balse nasiib xumo waxaa durba xaaladeeda xumaatay gabadhii Daawooyinkii markii lagu duray .

Kalkaaliyaashii Howshaasi loo xilka saaray lacagtana lagu siiyay in gabdha ilmaha kasoo ridaan ayaa markii ay dareemeen in gabadha xaaladeeda halis tahay waxa ay durba ku qariyeen guri u dhawaa halkaas oo gabadhii daqiiqado yar un kadib u geeriyootay daawooyinkii lagu duray ee la doonayay in looga soo saaro ilmaha caloosheeda ku jiray..

Waxaa durba arintaasi ka war helay Aabaha dhalay gabadha Uurka laheed ee u dhimatay daawooyinkii la damacsanaa in ilamaha caloosheeda ku jira looga soo saaro , waxa uuna soo kaxeestay ciidamo tiro badan waxa uuna xiray gabi ahaan kal kaliyaashii Hoeshaasi fuliyay iyo dad kale oo gacan ka geestay arintan.

Habeenkii xalay waxaa xabsiga ku hoyday kalkaaliyaashii daawooyinka siiyay gabadha Dhimatay iyo dad kale oo iyana lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falkan gabadha ilmaha xalaasha ah ee caloosheeda ku jiray looga soo ridayay.

Xaalada ayaa ah wali mid kacsan xaafada dhacdadan ka dhacady ayaana aad looga hadal hayaa geerida naxtinta leh ee gabadhan ardayada aheed ku timid loona aaneeyay arintaasi in ay sababteeda lahaayeen hooyooyinka dhalay wiilka iyo Gabadha is maher xaday iyagoona arintaasi heerkaasi u gaarsiiyay qabiil dariis.

Mudooyinkii dambe Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka waxaa kusoo badanayay in gabdhaha marka uur kusoo baxo in daawooyin la siiyo si ilmaha caloosha ku jira uusan u dhalan kahorma banaanka usoo baxo taa oo mararka qaar ay ka dhashaan dhibaatooyon xoogan oo soo gaara gabadha caloosha ilmaha ku wada.

 

W.Q.Sugulle Mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s