DEG DEG:Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftigiisi oo gaaray caasimada italy ee roma.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maantay ka ambabaxay magaaladda Brussels ayaa gaaray goor dhawed dalka Talyaaniga gaar ahaana magaaladda caasumada ah ee Roma.

Socdaalka madaxweynaha ee dalkaasi gaaray ayaa la sheegay inay ka danbaysey kadib markii casuumaad rasmi ah ka heleen Dowlada Talyaaniga,halkaaso kulamo ay kula qaadan doonan madaxda dalkaasi.

Xiligii ay gaaren waftiga madaxweynaha dalkaas waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradda ee Roma Madaxda Wadanka Talyaaniga iyo Safiirka cusub ee Soomaaliya Mudane Jeneral Muuse C/lle, iyo guud ahaan madaxdda qeybaha kala duwan ee jaaliyada Magaalada Roma.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa la sheegay in dalkaasi uu ku sugnaan doono muddo labo maalin ah waxana uu la kulmi doona R/wasaaraha Dalka Talyaaniga Enrico Letta, iyo wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga Emma Bonino, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Talyaaniga, iyo qaar ka mid ah hay,adaha caalamiga ah ee ee Magaalada Roma ku leh xarumaha.

Xubnaha socdaalka ku waheliya madaxweynaha waxaa ka mid ah R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Mudane C/xakiin Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta caalamiga Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, iyo Xubno kale.

Xiliga uu soo gaba gabeeyo safarka madaxweynaha uu ku jooga Talyaaniga waxa uu u ambabaxayaa magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay,halkaaso uu shirar kula leeyahay madaxda dalkaasi.

 

Q.W.sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s