Madaxweyne Xasan Sheekh Maxuu ka yiri Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu qaaday Sheekh Axmed Madoobe?

IMG_0038
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarkii maanta lagu qaaday hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbooyinka Mudane Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu beegsaday kolonyadii Shiikh Axmed Madoobe. Waxaan leeyhay shacabka goboladda Jubooyinka si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan, dhagar-qabayaashu bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda.

Alaaah ha u naxariisto intii dhimaatay, caafimaad deg deg ah ayaan u rajeenaynaa Insha Allaah dhamaan intii ay wax ku gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Jubbooyinka iyo madaxdooduba lagu bartilmaamsado sida goboladoodu ay uga xorreeyeen Al Shabaab.

Ugu dambeyntii Madaxaweynaha ayaa yiri” naf-lacaariga iyo sii dhabar go’a kooxdan, waxaa jab ku sii noqday is-fahamka Umadda Soomaaliyeed.

 

Warsugansomaliya News Desk

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s