Laamigii Ugu Muhiimsanaa Magaalada Muqdisho ee dhagxaanta lagu xiray oo saakay laga qaaday

 

Waxaa saakay dhagxaantii Shubka aheed ee taalay laga qaaday laamiga u dhaxeeya Isgooska KM-4-ilaa garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho halkaa oo mudooyinkii dambe dhagxaan la dhigay bartamaha laamiga .

Saakay ayaana la arkay iyadoo dhagxaanta qaar laga qaaday laamiga halka kuwa kalana qaadistooda lagu howlanaa waxaana arintaan aad ugu farxay una soo dhaweeyay Shacabka Magaalada Muqdisho oo dhib badan ku qabay wadooyinka dhagxaanta lagu xiray.

Lama oga cida fulisay howshaan dhagxaanta looga qaaday Laamiga u dhaxeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgooska KM-4 , waxaana mudooyinkii dambe soo baxayay dhaliilo laga keenay dhagxaanta laamiga lagu xiray.

Dowlada Soomaaliya wali kama aysan hadlin dhagxaantan laamiga laga qaaday , waxaa sidoo kale Dowlada horey uga gaabsan jirtay sababta dhagxaanta laamiga loogu xiray iyo waliba cida sida rasmiga aheed uga dambeysay.

Warsugansomaliya News Desk

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s