Fanaanada Hibo Nuura oo Maanta si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho(Daawo Vedio+ Sawiro)

Fanaanada caanka ah ee Hibo Maxamed Hudoon (Nuura) ayaa maanta ka soo degtay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho halkaa oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen dad isugu jira maamulka gobalka Banaadir, Xildhibaano, abwaano, fanaaniin iyo qeybaha kale ee bulshada.Socdaalka Hibo Nuura waxa uu qeyb ka yahay booqasho ay Muqdisho ku imaanayaan fanaaniintii hore kuwaa oo muujinaya sida ay ugu hiloobeen dalkooda iyo sida ay ugu qanacsan yihiin dowladnimada dalka dib ugu soo laabatay.

Hibo Maxamed ayaa markii ay soo degtay la hadashay dadkii soo dhoweeyey iyadoo u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay soo dhoweynta loo sameeyey iyadoo isla markaana halkaa ka tirisay tix gabay ah.

Hibbo Nuuro ayaa mar qura indhaheeda waxaa soo dhaafay ilmo taa oo muujineysay hilowga ay Dalkeeda u qabtay iyo sida ay ugu faraxsan tahay in Magaalada Muqdisho timaado sanado badan kadib.

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay abwaan Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo sheegay in bahda fanku ay ku faraxsan yihiin imaatinka Hibo ayna si aad ah u soo dhoweynayaan.

Fanaanada Hibo waa markii ugu horeysay ee ay timaado Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyey xiligii uu qarxay dagaalkii sokeeye, waxaana lagu tilmaamaa fanaanad wadaniyad ah astaana u ah midnimada umadda soomaaliyeed.







 

Warsugansomaliya News Desk

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s