Dowladda Ethiopia oo Siyaasada la gadoomisay C/raxmaan Faroole. (Akhriso Qoraal Xog ah)

Xog laga helay Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo Shabakadda Allbanaadir ka codsaday inaan la shaacin Magaciisa ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ku fashilmay Rajadii uu ka lahaa is hortaaga Xukuumadda Somalia.

Shabakadda oo xiganeysa Mas’uulkaasi ayaa waxa ay heshay xog ah in C/raxmaan Faroole uu maalin ka hor Warqad Codsi ah u diray Dowladda Ethiopia taasoo la sheegay inay ku qorneyd in Ethiopia ay faraha kala baxdo Arrinta Somalia si ay Dowladda Puntland ugu guuleysato jilcida ama soo dajinta heerka sare ee Xukuumadda Somalia iminka ku taagan tahay.

Nasiib daro Xogta ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Warqadaha Codsigaasi uu C/raxmaan Faroole diray dib loogu celshay Xafiiskiisa, iyadoona uu Mas’uulkaasi sheegay in Ethiopia ay Faroole u dirtay Warqad gaar ah oo ay ku cadeyneyso hadafkeeda isla markaana ku sheegtay inay xilligaani diyaar u tahay jabinta cid waliba oo isku dayda inay is hortaagto Xukuumadda Somalia, sida laga soo xigtay Mas’uulkaasi.

Muddo Sedex maalin ah, ayaa waxaa sii xogeysanaayay Colaadaha Siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumadda Somalia iyo Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana sidoo kale meesha kasii baxaayay wada-shaqeynta iyo xiriirka Dowladda Ethiopia kala dhexeeya Maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii, waxaa iminka socda Warqado kale uu C/raxmaan Faroole la damacsan yahay Dowladda Ethiopia isagoo la sheegay inuu la kaashanaayo IGAD iyo QM balse waxa uu Mas’uulka sheegay in Siyaasadda C/raxmaan Faroole ka dhamaatay Caalamka ka gadaal markii ay Xukuumadda Somalia kala dhantaashay Siyaasadda Faroole ee Caalamka.

Warsugansomaliya News desk

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s