Daawo Sawirada Sida Magaalada Dubai xalay loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiiradda Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan Xildhibaano Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa xalay gaaray magaaladda Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.Garoonka Diyaaaradaha ee Mataarka Boqortooyada ayaa waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomalaiya u fadhiya Imaaradaka Carabta Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga burcadbadeeda iyadoo sanadkaan looga hadlayo mawduuca ah “Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”.

Ugu dambeyntii Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya.

Warsugansomaliya News Desk








warsugansomaliya News Desk

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s