Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe oo Maanta Muqdisho kusoo wajahan loona Diyaar garoobayo Soo dhaweyntiisa

Waxaa Saacadaha soo aadan la filayaa in Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Hogaamiyaha Ururka Raaskanboonii ahna Gudoomiyaha KMG ee Maamulka Jubba Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe)

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa la tilmaayaa in xiligan uu Mashquul yahay halkaasna ay kusugan yihiin Masuuliyiin badan oo katirsan Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe kuwaa oo garoonka ka kasoo sagootinaya masuulkan.

Waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho laga dareemayaa iyana u diyaar garowga soo dhaweynta Gudoomiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe , waxaana la filayaa soo dhaweynta Masuulkan ay ka qeyb galaan madax katirsan Dowlada.

Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe ayaa Muqdisho marka uu yimaado waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyin sar sare oo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo Maalmo kahor Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu tagayo Magaalada Muqdisho sidoo kale Madaxweynuhu uu imaanayo Magaalada Kismaayo maalmaha soo aadan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Safarka Sheekh Axmed daoobe ee Muqdisho kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Q.W.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s