War Deg Deg Ah Hogaamiye sare oo katirsanaa Al-Qaacida iyo Al-Shabaab oo Shaaca ka qaaday in uu ka baxay Kooxahaasi

image

Hogaamiye Sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo Urur weynaha Al-Qaacida ayaa shaaca ka qaaday in uu gabi ahaan ka baxay Ururadaasi uu horey uga tirsanaa balse wali aamin sanyahay uu uu kusii jiro Dagaalada uu kala horjeedo waxa uu ugu yeeray Cadowga Islaamka.

Omar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Imriki ahaana Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegey inuu xiriirka u jarey hoggaamiyaha Al Shabab, Mukhtar Abu Zubeyr, oo uu sheegey inuu naftiisa kala baqayo oo uu doonayo inuu dilo.

Ninkan asal ahaan kasoo jeeda Dalka Mareykanka Shaacana ka qaaday in uu ka baxay Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ayaa xusay in uu ku dhuumaaleesanayo dhul Baadiyo ah oo kuyaala Gobolalda Baay iyo Bakool uuna ka baqayo in ay Dilaan Ciidamada gaarka ah ee Hogaamiyaha Al-Shabaab.

Abuu Mansuur Al-Imriki ayaa sidoo kale Xusay in Al-Shabaab gaar ahaan Ciidamo daacad u ah Amiirka Al-Shabaab ay Degmada Diinsoor guri ay dagnaayeen labo Xaas uu qabay kala baxeen sidoo kale ay dileen nin Gurigaasi dajiyay Xaasaskiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa Abuu Mansuur Al-Amriki ugu jira Liiska Argagaxisada ay raadinayaan waxa ayna Madaxiisa dul dhigeen lacag gaareysa ilaa 5 million oo dollar oo lasii nayo qofkii keena Xog ku aadan halka uu joogo si loo soo qabto ama loo dilo.

Q.w.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s