Mareeykanka hadii uu dalka Syria weeraro maxaad kala socotaa wadamada Quwada leh ee weerarkaas.

Dalka Mareeykanka iyo wadamo badan oo reer Galbeed iyo Muslimiin ah ayaa ku kacsan hab dhaqanka Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al Aasad oo loo heesto 21-kii bishaan Agoosto inuu shacabka dalkiisa u is ticmaalay hubka qatarta ah ee Kiimikada loo yaqaan.

Wadamo ay hor boodayaan dalalka Mareeykanka iyo Faransiiska ayaa lagu wadaa dhawaan in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadaan ciidamada Milatariga dalka Syria oo dagaal cir iyo dhul ah kula jira mucaaradka dalka Syria.

Dagaalka lagu wado in Syria lagu qaado waxaa si toos ah uga haray dalka Ingiriiska oo Baarlamaankiisa uu diiday inay ka qeeyb qaataan dagaal lagu qaado wadanka Syria waxaana sidoo kale iminka shir leh madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama iyo odayaasha Kongareeska dalka Mareeykanka oo codadkooda ka dhiiban doona dagaalka ku wajahan Madaxweeyne Bashar Al Aasad . Madaxweeynaha dalka Ruushka Mr.Vladimir Putin waxa uu ku adkeesanayaa in aanan la weerarin dalka Syria oo waliba looga dambeeyo baaritaanada ay wadaan quburo ka socda Qaramada Midoobay oo baaraya hubkii Kiimikada ahaa ee lagu laayay shacab fara badan oo maras ah.

Dagaal lagu qaado wadanka Syria waxaa si aad ah uga soo hor jeeda 3 wadan oo Dunida quwad Milatari ku leh kuwaas oo kala ah wadamada Iiraan , Ruushka iyo Shiinaha . Ruushka oo qarsan waayay taageerada ay u hayaan Madaxweeyne Bashar Al Aasad waxeey sheegeen in hubkii Kiimikada ahaa ee dadka badan lagu laayay ay is ticmaaleen maleeshiyaadka Mucaaradka dalka Syria.

Q.w.Sugulle Mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s