Dagaal u dhexeeya kooxo burcad Soomaaliyeed oo ka qarxay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dagaal u dhexeeya kooxo burcad Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inuu ka qarxay gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka iyadoona uu Soomaaligii afaraad lagu dilay dagaalkaas mudo dhowr bilood gudahood ah.

Daawo Muuqaal ahaan Sida ay Saxaafadda Maraykanka ugu hadashay Dagaalka

Dagaalkaan u dhexeeya Soomaalidaas burcada ah oo ka kooban laba kooxood oo burcad ama maafiyo Soomaaliyeed ah oo is ugaarsanaayo, kooxahaan uu dagaalka u dhexeeya oo lagu kala magacaabo Somali Outlaws iyo Madhibaan with Attitude ama (MWA) ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyey dagaal qaraar mudo sanooyin ah iyadoona uu dagaalkaasi uu sii xoogeystay mudooyinkii ugu dambeeyey taas oo ay isku beegsanayaan Soomaalida ka tirsan labadaas kooxood iyadoona horaantii bishaan lagu dilay magaalada Burnsvill nin Soomaali ah mid kalena lagu dhaawacay, Sidoo kale ayaa dagaalkaas waxaa lagu dilay ilaa iyo 3 ka mid ah kooxahaas burcada ah bilihii ugu dambeey iyadoona Soomaaligii ugu dambeeyey oo ka mid ah burcadaas lagu dilay khamiistii dhaweyd magaalada Shoreview ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ugu dambeyntiina iyadoo burcadaas Soomaaliyeed ay hada isku hub urursnanayaan ayaa booliiska gobolkaasi waxaa caqabad ku noqotey sidii ay u heli lahaayeen macluumaad ku saabsan kooxahaas burcada ah iyo sida ay u shaqeeyaan iyo cida hogaamisa iyadoona ay booliisku wadaan baaritaano la xiriiro kooxahaas burcada Soomaaliyeed, Sidoo kale ayaa waxaa dadaal weyn ugu jiro sidii ay u joojin lahaayeen dagaalkaas u dhexeeya burcadaas Soomaaliyeed ururka lagu magacaabo KA JOOG oo ah urur ama dhaqdhaqaaq ku haga dhalinyarada wadada hagaagsan iyadoona ay dhalinyarada ka tirsan ururukaas ay hada ku gudo jiraansidii ay xal ugu heli lahaayeen dilalka u dhexeeya Soomaalidaas, Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa waxay caan ku ahaayeen kooxo burcad ah oo uu u dhexeeya dagaal ay isku ugaarsanayaan iyadoona ay Soomaalida Minnesota noqonaysa kuwii labaad ee ayagana ku caan baxay is dilka iyo is ugaarsiga u dhexeeya kooxo Soomaaliyeed oo ku nool wadamada dibada ah oo ay qaxooti ku yihiin.

Q.w.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s