Aqriso Shanta Qodob ee diirada lagu saarayo Shirweynaha Qaran ee Muqdisho ka furmay iyo Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay

Waxaa Maanta si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga furmay shirweyne qaran ay Dowlada Soomaaliya horey u iclaamisay kaa ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirweynaha qaran ee Maanta ka furmay Hotelka Jaziira waxa uuna furitaanka Shirkan Madaxweynaha ka jeediyay Khudabd uu kaga hadlayay muhiimada shirkan uu leeyahay isagoo sidoo kale baaq u diray dadka dowlada kasoo horjeeda uguna baaqay hadii ay hayaan talo wax dhiseesa in ay soo gudbiyaan .

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada iyo hiigsiga sanadka 2016ka ayaa u mahad celiyay ergada soomaaliyeed ee meelaha fog fog uga yimid ka qeyb galka shirweynaha qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu soo maray xaalado kala duwan,isagoo sheegay in maanta meesha la joogo ay tahay mid laga sii socon karo, lagana soo gudbay marxaladii adkaa oo uu dalka soo maray.

sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada ay horoy u soo qabatay shirarkii garsoorka iyo dib u habeeynta waxbarashada shirar kalana ay qaban doonto.,isagoo sheegay in shirweynahan uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasada dalka.

Xasan Sheekh waxa kale uu xusay in talooyin ay uga baahanyihiin shacabka soomaaliyeed,isagoo sheegay in soomaaliya ay dib u soo kaban karto loona baahanyahay in laga wada shaqeeyno sidii uu dalka horey ugu sii socon lahaa oo aanan dib loo eegin waxyaabihii la soo maray.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday arrimaha federaalka ayaa sheegay in la doonayo in la isla afgarto sida dalka federal looga dhigi karo,si loo dhaqan galiyo,maadaama horey loogu heshiiyay,waxana uu baaqay in aanan lagu kala qeybsamin arrimaha federaalka.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay in dowlada federaalka ay go,aantahay in marka ay u dhamaato afarta sano aysan dalban mudo kordhin kale,iyo aan mar kale odoyaasha soomaaliyeed lagu dhibin in ay soo xulaan baarlamaan soomaaliyeed oo ay dalka doorasho ka dhacdo sanadka 2016ka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay in ergada ka qeyb galeeysa shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016ka ay sameeyaan aasaas wax laga bilaabi karo iyo in ay soo saraan natiijooyin wax ku ool ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay in lagu xisaabtamo sidii waxqabad muuqda loo sameeyn lahaa inta u dhaxeeysa September 2014 ilaa September 2015,oo aan lagu xisaabtamin sanadka ugu dambeeya ee dowlada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in caalamka uu garab taaganyahay soomaaliya,uuna garab taagnaan doono,soomaalidana looga baahanyahay in ay isku duubnaadaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gabagbaeeyay guul u rajeeyay ergada ka qeyb galeeysa shirweynahan qaran ee geedi socodka siyaasada soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016ka,isagoo sheegay in waxyaabaha ay soo saaraan ay aasaas u noqon doonaan mustaqbalka siyaasada soomaaliya.

Shirweynaha Qaran ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa socon doona mudo shan maalin ah iyadoona inta uu socdo diirada lagu saari doono ilaa shan qodob oo Xasaasi ah.

Shanta qodob ee Shirka diirada lagu saarayo ayaa ka ah.

Baahinta Siyaasada ka qeyb gelinta Shacabka,dhaqan gelinta dib uheshiinta iyo Kobcinta Cadaalada.

Hormarinta Dastuurka iyo Dib u eegistiisa

Dib uhabeynta Hay’adaha Hufnaanta iyo hagaajinta maamulka,

Gudiga Doorashooyinka madaxa banana & qaab sharciyeedka Axzaabta Siyaasada,

Qaabka Federaalka Awood ahaan iyo qeybsiga Kheyraadka

Dowlada ayaana kasoo qeybgalayaasha Shirka ka dhageesan doonta talooyinka iyo aaraada qodobadan diirada lagu saarayo shirweynaha qaran ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha shirkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Q.w.sugulle mohamoud

fariintaadda halkan ku dhaaf