War Deg Deg Ah Sargaaal katirsan Dowlada oo caawa lagu qarxiyay gaari uu watay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw oo Caawa ah la qarxiyay Gaari uu watay Sargaal katirsan Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowlada Soomaaliya xili uu marayay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Gaariga uu kaligiis qarxay xili uu marayay halka loo yaqaan Maxfalka oo ku dhaw Xarunta Degmada Shibis waxa ayna tilmaameen Goob joogayaashu in ay u maleenayaan qaraxaasi in uu gudaha gaariga saarnaa.

Inta la xaqiijiyay Waxaa qaraxaasi ku dhintay Sargaalka gaarigiisa la qarxiyay oo lagu Magacaabo Qaaasim Taakow halka tiro kale oo Shacab ah iyana la tilmaamay in Qaraxa uu kasoo gaaray Dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaa oo halkaa ka bilaabay baaritaano aan la ogaan natiijada ka dhalatay , waxaana gabi ahaan hakad galay goobihii ganacsi iyo dhaq dhaqaaqii ka jiray halka uu qaraxu ka dhacay.

Q.W.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s