Sargaal sare oo katirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo xalay la dilay iyo Faah faahin laga helayo cida Dilkiisa ka dambeysay .

Wararka laga helayo Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay Degmadaasi lagu dilay Sargaal sare oo katirsanaa Dagaalamaasha maleeshiyada  Al-Shabaab ee gacanta ku haya Degmada Diinsoor.

Sargaalkan oo ahaa Madaxii Dacwada Degmada Diinsoor ee Maleeshiyada Al-Shabaab Magaciisana lagu soo koobay Sheekh Xuseen ayaa waxaa toogtay kooxo kale oo la tilmaamay in ay katirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab Bistooladana ku hubeesnaa .

Xiisad ka dhalatay Dilka Sargaalkan katirsanaa Al-Shabaab ayaa xalay laga dareemay Degmada Diinsoor iyadoona ilaa wali aysan maleeshiyada Al-Shabaab ka hadlin dilka Masuulkan katirsanaa iyo waliba cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilkiisa.

Lama hayo wali Sababta ka dambeysa Dilka Sargaalkan maleeshiyada Al-Shabaab dhaxdooda iska dileen waxaasa dadka falan qeeya Siyaasad dhiig shubatada Al-Shabaab sheegayaan in ay arintaan daba socoto is ugaarsiga ay isku hayaan maleeshiyadu Al-Shabaab dhaxdooda iyo khilaafadka soo kordhaya ee ka soo ifbaxaya dhexdooda .

Q.W.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s