War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Saraakiil Cadaan iyo Soomaali isugu jira oo Shabaab katirsan

Ciidamada Nabad Sugida Dowlada
War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Saraakiil Cadaan iyo Soomaali isugu jira oo Shabaab katirsan
Soomaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan Gaashaan ayaa xalay Saqdii dhaxe ilaa saakay waxa ay Howl galo qorsheesan ay kasameeyeen gudaha Suuqa Weyn ee Bakaarah oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen Dilal kala duwan.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheesan ayey Ciidanku waxa ay ku galeen guryo iyo Hotelo si gaar ah loogu soo farmuuqay waxa ayna halkaasi kala baxeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo in AL-Shabaab katirsan yihiin ama ugu yaraan uu xariir kala dhaxeeyo.

Ciidamada Gaashaan ayaa la tilmaamay in dadka ay qabteen ay ku jiraan Saraakiil katirsan AL-Shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib inkasto magacyadooda iyo Muuqaalkoodaba aan wali warbaahinta loo soo bandhigin walina uu yahay Howlgalka mid socda.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Col. Maxamed Aadan Koofi oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in Howlgalka lagu soo qabtay dad kabadan 20-meeyo oo lagu tuhmayo in Al-Shabaab katirsan yihiin kuna lug lahaayeen Falalka amaan daro ee Magaalada kajira gaar ahaan Suuqa Bakaarhaa.

Warbaahinta Dowlada ayaa sakaay ku warantay in Dadka la tuhmayo ee lagu soo qabtay Howlgalka Suuqa Bakaaraha ay ku jiraan Rag ajaaniib ah oon la cadeyn tiradooda iyo halka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxa ay Dilal qorsheesan ka geesanayeen Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyagoona si gaar ah bartilmaameed uga dhiganayya askarta katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Q.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s