Baarlamaanka Ingiriiska oo raja xuma dhigay Mareykanka oo doonayay in laga garab siiyo weerar lagu qaado Syria.

Kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in uu mareykanku doonayo in dowlada Ingiriisku uu ka gacan siiyo weerar lagu qaado dalka Syria ayaa waxaa cod arintaasi u qaaday baarlamaanka Ingiriiska Ku hor istaagay arintaasi.

David Camaroon oo ah R.wasaaraha Ingiriiska ayaa waxa uu aad uga xumaaday go’aanka inkasta oo uu hadana ka hor cadeeyay baarlamaanka in uu ku qancay sida ay fikirkooda u soo bandhigeen, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jeclaan lahaa in ay taageeraan fara gelinta Syria.

Diidmadaan ayaa waxa ay waji gabax ku tahay dowlada Mareykanka oo dooneysay taageera ay uga hesho Ingiriiska duulaanka Syria hasa yeeshee hadana waxa ay daaha ka rogeen Mareykanku ay tilaaba qaadi doonaan iyada oo aan loo eegeyn qaadicida Baarlamaanka Ingiriiska

Mareykanka iyo Ingiriiska oo aad isugu xulufeesta arimaha nuucaan oo kale ayaa xilligaan waxa ay hormuud u ahaayeen ololaha weerar deg deg ah oo lagu qaado dalka Syria.

Wagi gabaxa soo wajahay R.wasaare Camaroon ayaa waxaa la’aaminsayahay in uu mugdi geliyo xariirka labada dal, iyada oo ay sidoo kale ay mushkilad ku keeni karto qaabka hogaamineed ee R.wasaaraha Ingiriiska iyada oo ay mucaaradku uga faa’iideysanayaan gulufkaan uu ku guul dareestay.

Q.w.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s