Faah Faahin Qodobadii ay Maanta kuwada Heshiiyeen Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland(Daawo Sawirada)

image

Waxaa Faah Faahin dheeraad ah kasoo baxayaan Qodobadii ay maanta kuwada Heshiiyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland uu Hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe kadib kulamo maalmo xariir ah uga socday Magaalada Adis Aababa ee Dalka Itoobiya.

Qodobada lagu Hesbhiiyay waxa augu Muhiimsan.

1- In maamulka Jubaland magaciisa laga dhigo Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba, waxaana maamulkaasi hoos imaan doona Sadexda Gobal ee Gedo, J/Dhexe iyo J/Hoose

2- Maamulkan wakhtigiisana noqoto 2 sano, waxaana marka la dhameystiro maamulkada Federaalka sida Dastuurka qabo maamulkan isu bedali doonaa Maamul Gobaleed Federaal ah

3- Hogaamiyaha maamulkan waxaa hoos imaan doona maamulada Gobalada Gedo, Jubada dhexe iyo Jubada Hoose

4- Dhamaan ciidamada gobaladaasi ku sugan ayaa sidoo kale hoos tagi doona maamulka Jubba, waxaana la isku dhafi doonaa dhamaan ciidamada Dowlada, Raaskambooni iyo Booliiska oo hoos tagaya maamulka Jubba

5- Hogaamiyaha Maamulka Jubba (Axmed Madoobe) ayaa soo magacaabi doona golaha Wasiirada, iyadoo uu wadatashi kala sameenayo dowlada Federaalka.

6- Dekkada Kismaayo iyo Airporka waxaa lagu wareejin doonaa dowlada Federaalka lix bilood gudahood, dowlada Federaalka ayaa guddi usoo dhisi doonta iyadoo la tashaneysa maamulka Jubba, balse inta xiligaasi laga gaarayo 6da bilood ee soo socda waxaa dekkada iyo Airporka sii maamuli doona maamulka hada gacanta ku haya. Dowlada Federaalka ayaa soo magacaabi doonta Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ka hawlgalaya Xarumahaasi.

7- Dakhliga kasoo baxa illaha dhaqaalaha ee Kismaayo waxaa loo qoondeeyey inay lagu dhiso maamulka Jubba iyo hay’adihiisa.

8- Dakhliga kasoo gala illaha dhaqaalaha Kismaayo ee lasiinayo Dowlada Federaalka waxaa la jaan goyn doonaa xili la dhameystiro maamulada kale ee Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka.

9- Waxaa shirar dib u heshiisiin lagu qaban doonaa muddo labo todobaad gudahood ah magaalada Muqdisho, kadibna waxaa shirka labaad lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo.

Sagaalkan Qodob ayaana noqonaya kuwii ugu muhiimsanaa ee labada dhinac Maanta kuwada heshiiyeen iyadoona goobta lagu saxiixay Heshiiskaasi ay goob joog ka ahaayeen Madax kasocotay Dowlada Itoobiya , Midowga AFrika iyo Msauuliyiin kale oo ka kala socotay Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

image

image

image

image

image

image

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodø.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s