Dowlada Mareykanka oo ka hadashay heshiiska taariikhiga ah ee dowladda federaalka iyo Jubba dhex maray

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen dowladda federal-ka Soomaaliya iyo wafdiga Jubbaland ka socda kadib maalma dhan oo kulama xariir ah ay socdeen.

James P. McAnulty, Ergeyga gaarka ah ee xukuumada Washington u qaabilsan Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa waxa uu si aad ah ugu doo dhaweeyay saxiixitaanka heshiiska u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo wafdiga Jubbaland.
wuxuu ku ammaanay wufuudda labada dhinac horumarka wax ku oolka ah ee ay gaareen iyo sida ay isugu tanaansuleen isbuucii uu socday heshiiskaasi oo ah mid dhaxal gal u noqon kara umada Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay sii wadi doonto inay dowladda federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba ka taageerto sidii xal kama dambays ah looga gaari lahaa arrimaha walaaca laga qabi karo.

James P wuxuu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in labada dhinac ay hirgeliyaan qodobbada heshiiska.

Ergeyga wuxuu kaloo ammaanay doorka muhiimka ahaa ee dowladda Itoobiya ay ku lahayd fududeynta heshiiska.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Axmed Madoobe hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna muddo labo sano ah hoggaamin doonaa maamul cusub oo loo bixiyay Maamulka KMG ah ee Jubba.

Q.w.Sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s