C/Raxmaan Faroole oo fadeexo Culus raacday loona diiday in uu ka qeyb galo Xafladii Gaba-gabada ee Shirkii Adis Ababa

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi Raxnaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa fadeexo ka raacday qorsho uu doonayay in uu ku carqaladeeyo Shirkii uga socday Magaalada Adis Ababa Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland.

Faroole iyo Xubno Maamulkiisa katirsan oo kasoo dhoofay Magaalada Nairobi ayaa laga celiyay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Adis Ababa ee Dalka Kenya waxa uuna qorshihiisa ahaa in uu goob joog ka ahaado shirkii ay lahaayeen Dowlada iyo Maamulka Jubaland gaar ahaan xafladii shirkaasi lagu soo gunaanadayay.

Dowlada Soomaaliya ayaa Dowlada Itoobiya iyo Midowga Afrika ka codsatay in aan Faroole loo ogolaan in uu shirka yimaado iyadoo Dowladu faroole ku eedeesay in uu doonayo in uu carqaladeeyo qorshaha dib u heshiisiinta ee Dalka.

Faroole iyo Xubnihii lasocday ayaa garoonka Diyaardaha Adis Ababa markii ay kasoo dageen si cad loogu sheegay in ay dib ugu laabtaan Magaalada Nairobi kadib markii garoonka lasoo dhigay Warqad lagu celinayo Faroole iyo Xubnaha lasocda.

Madaxweynaha Puntland ayaa isagu aan la dhacsaneyn wadahadaladii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland waxa uuna ka shaqeenayay in mudo ah sidii uu shirkaasi u fashilmi lahaa .

Maamulka Jubaland dhisideeda waxaa qarash badan ku bixiyay Madaxweyne Faroole si uu ugu qaso Dowlada Soomaaliya hasa ahaatee waxaa hada muuqata in faroole Siyaasadiisa Gobolada Jubooyinka uu fashil ku yimid lagana guuleestay.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodø.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s