Laba nin oo u dhalatay dalka Kenya ayaa ku heshiiyay inay isla guursadaan hal gabar oo ay shukaansanayeen iyagoo aan iska warqabin.

Gabadhan ayaa xiriir la lahayd labada nin muddo afar sano ah.

Sida muuqata waxay gabadhan diidday in labada nin midkood ay xulato.

Qareeno ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in guurkan sharci ahaan loo diiwangelin doono haddi ay keenaan caddeymo muujinayo in arrintan ay dhaqanka qabiilkooda qeyb ka tahay.

Wargayska the Daily Nation ayaa ka soo xigtay mid ka mid ah raggan oo lagu magacaabo Mwendo in heshiiskan ay qoreen kaddib markii ay iska warheleen in labaduba ay gabadhan xiriir la lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan boliiska la shaqeeya dadka xaafadaha ayaa ku qanciayay labada nin inay isla guursadaan gabadhan kaddib markii uu arkay iyagoo dagaallamaya.

Heshiiska ay kala saxiixdeen ayaa qoraya inay joojin doonaan dagaalka oo mid walba uu fiirsan doono maalintiisa.

Mwenda oo ka mid ah labada nin ayaa sheegay in isaga uu bixin doono lacagta meherka.

Waxaa uu leeyahay labada waalid ee gabadha way oggolaadeen arrintan guurka .

Arinkan ayaa lagu micneeyay mid aan hore uga dhicin dagaanka oo dadku aad ula yaaben.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodø.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s