Daivid Cameroon: Lama sii eegan karo falalka Suuriya ku kacayso ee shacabkeeda ku xasuuqayso.

Waxa si weyn u sii kordhaya ololaha milateri ee loogu tabaabulshaysanyo weerarro laga yaabo in lagu qaado dalka Suuriya oo kaga iman kara dhinacyada cirka iyo badda.

Raiisal-wasaaraha dalkan Ingriiska, oo soo gaabiyey fasax uu ku jirey, ayaa la shiraya golihiisa wasiirada iyo baarlamaanka dalkan, waxanu ku baaqay in aan la sii eegan karin falalka isticmaalka hubka sunta ah ee kimikada ee la sheegay in ciidamada Suuriya ay ku rideen qaybo ka tirsan duleedyada magaalada Dimishiq.

Xogahaya arrimaha debadda ee Maraykanka, Chuck Kerry, ayaa isna sheegaya in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin hawlgallo milateri oo ay ku qaadaan bartilmaameedyo ka mid ah dalka Suuriya, isla mara ay amar buuxa ka helaan madaxweyne Barak Obama.

Afhayeen isna u hadlay dawladda Maraykanku waxa uu ku adkaystay in xogaha ay hayaan hey’adaha mukhaabaraadku ay caddaynayaan in Suuriya ay isticmaashay hub kiimiko ah, macluumaadkaasina la faafin doono toddobaadkan gudihiisa.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande, ayaa isna si kulul u weeraray falalka dawladda dalka Suuriya, waxanu sheegay in ciddii masuulka ka ahayd weerarradaasi loo adeegsaday hubka kiimikada ah, inay mudan tahay in si xun loo ciqaabo, oo tallaabooyin adaga laga qaado.

Ururka Jaamicadda Carabta ayaa isna dusha ka saaran dawladda Suuriya mas’uuliyadda iyo eedaha weerarrada la adeegsaday sunta kiimikada.

Dhinaca kalena wasiirka arrimaha debadda ee Suuriya, Walid Al Muallem, ayaa sheegay in dalkiisu isdifaaci doonaan haddii la soo weeraro, ayna adeegsan doonaan wax kasta oo suurtogal ah oo ay isku difaaci karaan.

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s