Daawo Muuqaal Xoogaga Alshabaab oo ku guul dareystay weerar ay ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM ee Garoonka Kismaayo.

Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa waxaa la sheegay inay ku guul dareysteen islamarkaana ay kala kulmeen jab aad u xun weerar ay ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Daawo Muuqaal ahaan Kenyaantiga oo ka Hadlaya Dagaalka ka Dhacay Garoonka

Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo xilli habeenimo ah weerar ku soo qaaday saldhiga ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaas ay kala kulmeen iska caabin weyn iyadoona sida ay sheegeen saraakiil u hadashay ciidmada AMISOM ay ku dileen weerarkaas ilaa iyo 7 askari ka mid ahaa maleeshiyaadkii ku soo qaaday weerarka sidoo kalena ay ku gubeen baabuur ay wateen maleeshiyaadka kooxdaas Alshabaab, Ciidmada AMISOM oo waabarigii hore ku jarmaaday goobtii habeenimada laga soo weeraray ayaa waxay ugu tageen baabuur ay burburiyeen ciidamadaas oo ay goobtaas kaga carareen maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday sidoo kale ayey waxay ku arkeen goobtaas buraashadaha biyaha iyo kabo ay halkaas kaga carareen iyadoona ay alaabtaas dhamaantood ay ka muuqatey ama ay lahaayeen dhiig kaas oo muujinayso inay halkaas uu dhib weyn ka soo gaarey maleeshiyaadka kooxdaas Alshabaab ee soo qaaday weerarkaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay yihiin kuwo ku dhuumaaleysanaayo duleedka magaalada Kismaayo islamarkaana ku soo qaado magaaladaas weeraro ayaa af hayeenka u hadly ciidamada AMISOM o lagu magacaabo Major Emmanuel Okello oo ka tirasan ee ciidamada KDF ee dalkaas Kenya ayaa sheegay inuu filaayo inay goobtaas ku dileen ilaa iyo 7 ka mid ah maleeshiyaadka Kooxdaas Alshabaab islamarkaana ay ku arkeen goobtaas dharkoodii iyo qalabkii ay siteen oo uu dhiig ka buuxo laakiinse ay meydkoodu la baxsadeen maleeshiyaadkii weerarkaas ku soo qaaday.

Q.w.Sugulle

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s