Aqriso Magacyada Hogaamiyaal sare oo katirsan Al-Shabaab iyo Ganacsade caan oo ah Hantidooda uu xanibay mid kamid ah Bangiyada Carabta

Bangiga dhexe ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyada 13 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib iskugu jira kuwaasoo uu xusay in la xanibay hantidii u taalay bangigaas.

Masuuliyiinta Bankigaas ayaa sheegay in raggan hantidooda la xanibay ka dib markii lagu eedeeyay inay taageero siiyaan Xarakadda Al-Shabaab ee ka dagaalada Somalia.

Shaqsiyaadka liiskan ku soo baxay ee Soomaalida ah waxaa ku jira Shiikh Xasan Daahir Aweys oo dhowaan naftiisa kala soo baxsaday Al-Shabaab iyo ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo shalay ay golaha wasiirada Somalia QM ka dalbadeen in xanibaada laga qaado.

Hogaamiyaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa ku jira magacyada liiskan ay ku qoran yihiin magacyada shaqsiyaadka hantidooda uu xanibay Bankiga dhexe ee Imaaraatka.

Waxaa ka mid ah hogaamiyaha ugu sareeya Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, Shiikh Fu’aad Max’ed Khalaf (Shongole) Xasan C/llaahi Xirsi (Xasan Turki) iyo rag ay magacyadooda ka mid yihiin Max’ed Saciid, Bashiir Max’ed Max’ud, Xasan Mahad Cumar oo Bankigu sheegay inuu haysto baasaboor Itoobiyaan ah nin kale magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali Baynax oo asna haysta dhalashada dalka Sweden, Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki, Cabuud Roogo oo horey Kenya loogu dilay, Abuu Bakar Shariif iyo qaar kale.

Bankigu waxaa uu sheegay inuu go’aankaan u qaatay isagoo fulinaya go’aan kasoo baxay golaha amaanka ee QM oo tirsigiisu ahaa 1844 (2008) kaasoo dhigayay in la xanibo hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha loo arko inay Al Shabaab taageero siiyaan ama ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Q.W.Sugulle Mohamoud
Bodø.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s