Xage Marayaan Wada hadaladii DFS iyo Maamulka Jubbaland

Dowladda faderaalka ee Soomaaliya iyo Jubaland ayaa wali shir uga socdaa magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayadoo wadahadalkaan ay dhexdhexaadinayaan dowladaha IGAD.
Ergooyinka labada dhinac ayaa isku fahmay qodobo ay ka mid yihiin dowladda faderaalka Soomaaliya inay aqoonsato maamulka Jubaland , inkastoo wali aan si rasmi ah lagu dhawaaqin heshiiska, qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in dowladda Juabaland golihiisa wasiirada ee lasoo dhisi doono inay talooyin ku yeeshaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka si loo qanciyo beelaha deegaanka si loo yareeyo cabashooyinka beelaha deegaanka Jubooyinka iyo Gedo. arintaasi ayaa lagu heshiiyay waxaana dhinaca Jubaland ilaa iyo hadda lasoo xulay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cumar C/rashiid raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Gaandi iyo xubno kale oo siweyn looga yaqaano dalka Soomaaliya.
Siyaasi C/naasir Faarax Jeer oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inay jiraan qodobo qaar oo wali dhiman oo lagu heshiin waxaana qodobada la isku mari la’ yahay ka mid ah in la badalo magaca Jubaland taasi oo ay soo jeediyeen dhinaca ergada dowladda faderaalka hase ahaatee waxaa arintaasi siweyn uga soo horjeeda maamulka Jubaland, maamulka Jubaland ayaa kasoo horjeestay in la badalo magaca Jubaland.
Wadahalada ayaa wali socda waxaana jira cadaadisyo dhanka dowladda iyo maamulka Jubaland uga imaanaya dhinaca IGAD oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka labada dhinac , khilaafkaasi ayaa noqday caqabad wayn oo dowlada faderaalka kasoo wajahay beesha caalamka iyo siyaasadeeda gudaha kadib markii lagu dhaliilay inay diiday nidaam faderaallism oo dalka ka hana qaada.

Q.w.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s