Qaar Ka Tirsan Macalimiinta Wax Ka Dhiga Jaamacadda Soomaaliya Oo Xabsi Loo Taxaabay.

Qaar kamid ah macalimiinta jaamacadda soomaaliya ayaa xabsiga loo taxaabey iyadoo lagu tuhmayo in ay lug ku leeyihiin dhaawaca gabar swedhish ah iyo dilka sadex qof oo soomaali ah,kaas oo maanta ka dhacey agagaarka km4.
Gabadha dhaawaca noqotey ayaa waxaa rasaas ku furey rag dabley ah kuwaasoo markii danbana goobta ka baxsadey,iyadoo beryahan ay dilalku muqdisho ku soo badanayaan ayaa ciidamada amnigu waxey baaritaankooda ka hor xireen qaar kamid ah macalimiinta jaamacadda wax ka dhiga oo la oran karo waa meesha wax laga bilaabi karo,iyo sidii lagu yiqiin danbi baarista marka uu fal dhaco.
Macalimiinta oo ay ka dhexdhici karto khilaaf dhinacyo badan ayaa loo maleynayaa in falkan uu ku lug yeesho,waxaana jira jaamacado u kala jajabey illaa iyo sadex jaamacadood maadaama aaney nidaam iyo sharci adag ku dhisneyn jaamacadaha dalka soomaaliya ka jira,waxaana isasoo tarayey hadal heynta jaamacadaha ka hawlgala muqdisho oo kaliya tiro farabadana maalin kasta ku kororto,una eg in qiima dhac xaga aqoonta ah oo keliya in ay kusoo kordhiyeen bulshada iyo ardeyda dugsiyada sare ka baxdey.
Waxeyna dhanka kale sheegayaan hey’adaha amnigu in ay dadaal badan ugu jiraan sidii nabadgelyada muqdisho looga dhigi lahaa meel leysku haleyn karo.

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s