Faah Faahin Xasuuqii Sunta Kiimikada ee Geesteen Ciidamada Siiriya iyo Caalamka oo ka qeyliyay(Daawo Sawirada Xasuuqa)

Faah Faahin Dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Xasuuq maalintii shalay Ciidamada Daacada u ah Madxaweynaha Dalka Siiriya Bishaar Al-Asad ka geesteen xaafado kuyaala Caasida Dalkaasi ee Dimishiq.

Dhimashada ayaa gaareysa ilaa 1,300-oo qof oo u badnaa Caruur iyo haween kuwaa oo ku geeriyooday Hubka Kiimikada ah ay isticmaaleen Ciidamada Siiriya iyadooan sidoo kale jiraan tiro badan oo dhaawacyo halis ah qaba .

Dowlada Siiriya ayaa lagu eedeeyay inay adeegsatay hubka kimikalka oo ay ku duqeysay sadex xaafadood oo ku yaal duleedka magaalada Siiriya, halkaasi oo ay shalay ku dhinteen dad gaaraya 1,300 tiro intaa kabadana ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Ciidamada Militariga Siiriya ayaa dhankiisa ku sheegay warar been abuur ah in ciidamadooda sunta kimikalka ku duqeeyeen qeybo kamid ah magaalada Dimishiq.
Dadka dhintay ayaa la sheegay inay neefsan waayeen isla markaana jirkooda ka muuqday astaamaha sunta kimikalka sida ay sheegeen qaar kamid ah khubarada kimikalka oo daawaday sawirada iyo filimadii shalay laga soo duubay goobaha ay duqeymaha ka dhaceen.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah oo ay habeenimadii Arbacada yeesheen ku baaqay in si deg degleh loo baaro xasuuqii shacabkii shalay ku dhintay qeybo kamid ah magaalada Dimishiq oo ay duqeeyeen ciidamada Siiriya.

Warbaahinta caalamka ayaa isla shalay shaaciyey sawiro iyo filimaan laga soo qaaday dad aad u badan oo ku geeriyooday duqeynta dadkaasi oo aan wax dhaawac ah ka muuqan, halka kuwa weli nafta ku jirtay ay ku adkeyd inay neefsadaan.

Horey ayaa dowlada Siiriya loogu eedeeyey inay adeegsato hubka kimikalka weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Dimishiq ay todobaadkan soo gaareen koox ka socota Qaramada Midoobay oo baarayey adeegsiga hubka Kimikalka.

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

Q.W.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s