Barakac hor leh oon Dagaal ku imaan oo ka bilowday Muqdisho iyo Shacabka oo Dib ugu Barakacaya Duleedka Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa mar kale waxaa dib uga bilowday bakarac hor leh ay sameenayaan qoysas tiro badan oo labo sano kahor Magaalada Dib ugu soo laabtay kuwaa oo xiligii Dagaalada u barakacay Deegaanada Duleedka Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.

Barakaca hada Muqdisho dib uga bilowday ma ahan kuwa ku yimid Dagaalo iyo Dhibaatooyin kale oo Magaalada ka jira hasa ahaatee waxa ay ka dhasheen Dowlada oo iyadu bilowday in ay xoog dadka uga saarto Xeryihii Dowlada ay kunoolaayeen Dadkaasi in kabadan 20-Sano .

Dadka Muqdisho ka barakacaya ayaa u badan dad aan guryo ku laheyn Magaalada Muqdisho markoodii horana magaalada Barakac ku yimid kuwaa oo hada dib ugu laabanaya Deegaanada duleedka Magaalada Muqdisho si ay halkaas uga helaan dhul ay deegaansadaan.

Gawaarida aada Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan ahaa kuwa aad u mashquulsan oo qaadayay dadka Magaalada ka barakacaya ee dib ugu laabanya Deegaanada Duleedka Muqdisho sida Lafoole ,Ceelasha Biyaha , Garasbnaaley iyo KM-13.

Shacabkan ay Dowladu ka saartay Dhulkii Xeryaha u ahaa Dowladii Siyaad Barre ayaa sheegay in dhulka laga saaray looga barakiciyay dano dhaqaalo ayna ka dambeeyaan Hay’ado Shisheeye iyo Ganacsato Soomaaliyeed xiligaana dowladu aysan u baahneyn dhul cidlo ah kuwii dhisnaaba ay dayac tiran la dahay Dowlada.

Waxaa sidoo kale dad kale oo badan oo iyana isku diyaarinaya in ay dib u deegaansadaan Duleedka Magaalada Muqdisho kadib markii lagu amray in ay ka baxaan Goobihii ay Dagnaayeen oo u badan dhul ay laheed Dowladii Siyaad Barre.

Dowlada Soomaaliya iyadu wax dib u dajin ah uma sameyn dadkan ay xooga uga saartay Goobihii danta guud mana jiro wax war ah ay Dowladu kasoo saartay dadkan xooga looga barakicinayo goobo ay Dowladu laheed ay mudo dagnaayeen .

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s