Haweeney Swedish iyo wiil somali swedish ah oo weerar gaadma ah lagula qaaday Muqdisho

Wax shalay  magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerar gaadma ah oo la doonayay in lagu khaarijiyo haweeney u dhalatay dalka Sweden xilli ay mareysay meel kaabiga ku heysa isgoyska KM4.

Haweeneydaan oo dhaawac uu ka soo gaaray weerarka lagu qaaday ayaa waxa ay ka soo baxday Siminar ay ka bixineysay Jaamacada Soomaaliya (UNISO) qeybteeda KM4, waxaana la sheegayaa in weerakaasi ay ku geeriyoodeen wiilki simali swediska ahaa ee la socday iyo askari ilaaladooda kamid ahaa .

Goob-joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in weerarka gaadmada ah lagu qaaday daqiiqad uun kadib markii ay irida jaamacada kasoo baxeen ayna soo gaareen inta u dhexeysa dhismayaasha dugsiga hoyga Xamar iyo xarunta Xanaano.

Meydka wiilka somali swedishka ahaa  iyo askarigii la socday ee la dilay ayaa waxaa lagu aasi doona magalada .

Halkii dhibaatadu ka dhacday iyada oo ay goobta gaareen ciidamada amaanka man jirto ilaa hada cid loo qabtay in ay ka danbeysay weerarka gaadmada ah.

Weerarkaasi ayaa waxaa sheegatay kooxda maleeshiyada shabaab oo badana  weerarada nuucaan oo kale ah caan ku ah dadkana wax tarka iyo horumarka kala dagaalanta.

Dhaawaca haweeneydaan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in lagu dabiibay xarumaha caafimaad ee ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ee ku yaalla xarunta Xalane isla malintiina loola cararau magalada nairobi oo hada lagula yacaalayo xaladeeda caafimad.

Sanadkii 2006-da ayaa saxafiyad u dhalatay dalka Sweden waxaa lagu toogtay magaalada Muqdisho xilli ay isu soo baxyo ka jireen barxadda Tarbuunka xilligaas oo ay magaalada Maamulayeen maxkamadihii Islaamka.

Q.w.Sugulle Mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

image

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s