Mid kamid ah La taliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu xukumay in uu bixiyo lacag dhan 15-Milion oo Dollar OO Magdhaw ah

Maxkamad kutaala Dalka Mareykanka ayaa lacag malaayiin Dollar ah waxa ay ku xukuntay in uu bixiyo mid kamid ah la taliyaasha Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii lagu helay eedeemo loo soo jeediyay.

Abukar Hassan Ahmed oo ah La taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dhanka sharciga sida ay xaqiijiyeen Diplamaasiyiin Madaxtooyada kusugan horeyna uga tirsanaa Saraakiishii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa Maxkamad kutaala Dalka Mareykanka waxa ay ku xukuntay bixinta lacag magdhaw ah oo gaareysa ilaa 15-Milion oo Dollar.

Masuulkan la taliyaha u ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dhibaatooyin Dalka Soomaaliya ka dhacay loona geestay dad rayid ah xiligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre .

Qaadiga Maxkamada Xukunka riday oo lagu Magacaabo Mark Abel ayaa Abuukar Hasan Axmed ku eedeeyay in lagu soo oogay dacwad ah inuu geystay xadgudubyo ka dhan ah Bini-aadanimada oo ay ka mid yihii jir dilo sanadkii 1980.

Abuukar Hasan Axmed oo ah ninka Magdhowga gaaraya 15 Million la dul dhigay ayaa sheegay in jirdilka uu dhacay markii Col. Cabdi Aadan Magan uu ahaa madaxii danbi baarista ee hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed,isagoona sheegay in si qaldan wax la isku daba mariyay

Dhageesiga Dacwada loo heestay Abukar Hassan Ahmed ayaa soo bilaabatay Sanadkii 2010-ka iyadoona ugu dambeyn Maxkamada Dacwadaasi qaadeysay ay Abukar Xasan ku xukuntay Bixinta Magdhaw la siiyo dadkii eheladooda wax ku noqdeen dhibaateenta lagu soo eedeeyay.

Wali wax war ah kama soo bixin La taliyaha Madaxwenaha Soomaaliya ee lagu xukumay lacagtaas tirada badan bixinteeda ,waxaana Dalka Mareykanka sidoo kale kasocda eedeemo iyo dacwado loo heesto Masuuliyiin sar sare oo xilal kasoo qabtay Dowladii Kacaanka Soomaaliya uu Hogaamin jiray Jaalle Maxamed Siyaad Barre kuwaa oo loo heesto Tacadiyo iyo dhibaatooyin ay geesatay Dowladii Dhaxe ee Dalka.

Q.w.Sugulle Mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s