Mid kamid ah Hay’adaha Dalka ka howl gala oo lagu eedeeyay in ay si qarsoodi ah uga gurato kheyraadka dabiiciga ah ee Dalka.

Mid kamid ah odayaasha Dhaqanka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in hey’adda Main Action oo la sheego in ay la tacaasho miinooyinka ay howla gaar ah gobalkaasi ka fuliso hasa yeeshee aysan ku howlaneyn taaba gelinta mashruuca ay sheegato in ay fulineyso.

Oday dhaqameedkaan ayaa waxa uu yiri, “Buurta Janta Kundisho ayaan ku arkay gawaari feyl ku jirta oo ay leedahay Main Action. Waxa aan weydiiyay waxa halkaasi laga qabanaayo waxaana ley sheegay in miino laga baaraayo. Buurtaan dhirirka badan ee Janta Kundisho yaa miinada ku aasay? Miino ma baarayaan ee kheyraadkeenna ayeey halkaasi ka gurayaan oo ay u qaadayaan halka ay kasoo shaqo tageen. Marka ay buurta fuulayaan waa iska reebayaan ilaaladooda Soomaalida ah si aysan ula socan howshooda gaarka ah”.

Waxa uu intaa ku daray, “Hadii ay miina baarayaan maa tagaan dhulka ay ka buuxdo ee dagaaladu ka dheceen maxey ugu meereysanayaan buurta”.

Eedeyntaaan loo soo jeediyay hey’ada dhanka miinada u qaabshan qaramada Midoobay ee Main Action ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa iyada oo dad badan oo Soomaali ah ay horay uga cawdeen hey’adaha dalka ka holw gal ah oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin basaasiin iyo kuwa ku howlan qaabkii ay si qarsoodi ah uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka dalkaan dahabka ah.

Q.w.Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s