Maleeshiyada Al-Shabaab oo Heshiis kala dhax dhigtay Beelaha Murusade iyo Duduble iyo Nuxurka Heshiiskaasi(Daawo Sawirada)

Maamulka Murtadiinta  Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegeen in Heshiis kala dhax dhigeen Beelaha Murusade iyo Duduble oo  mudooyinkii dambe ay ka dhaxeesay Xurguf dhinaca dhulka kusaleesan.

Kulanka lagu heshiisiinayay labada Beelood ayaa ka dhacay Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud waxaana kulankaasi kasoo qeyb galay Saraakiil sar sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo sidoo kale odayaasha labada Beel ee Shabaab heshiiska dhax dhigayeen.

Mooryaanta Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa iyagu garwadeyn ka ahaa eedaha ay kala tirsanayeen labad Beeleed waxa ayna ugu dambeyn Al-Shabaab labada Beelood kala dhax dhigeyn Heshiis dhoor qodob ka koobnaa .

Nuxurka Heshiiskaasi ayaa u qornaa sida tan.

1: In aysan Jirin wax Xuduud-dhuleed ah oo u dhexeeya dadka Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan, Dhulkana uu Allaah leeyahay, Sidaas daraadeed, Ma jirto xuduud-dhuleedyo gaar ah oo ay labada beelood ee Maxamuud Hiraab/Duduble iyo Murusade ay kala leeyihiin.

2: Qof walba oo Muslim ah wuxuu si gaar ah u leeyahay meeshii ama goobtii uu si gaar ah u nooleeysto.

3: In qofkii doonaya in uu nooleysto dhul gaar ah, sida Ceel, Baraag, Beer iyo wixii la mid ah, uu soo maro Wilaayada Islaamiga ah si loo ilaaliyo Bad-qabka deegaanka ama bay’ada.

4: In aan la ogoleyn in labada beelood ay beello ahaan iskugu dacweeyaan sheegashada kala lahaanshaha dhulalka ama deegaannada.

5: In ay furantahay in labo qofood ay qaab shakhsi ahaan ah iskugu dacweyn karaan sheegashada kala lahaanshaha dhulalka ama deegaannada.

Heshiiskan ayaa u eg mid dadkan si qasaba loogu amray inay qaatan inkasta oo dadku yihiin dad walaalo ah oo aan waxba kala lahayn su.aashu sr tahay xiligan alshabaab u jeedka uu ka leeyahau arinkan oo uu horaba wax uga qaban waayay waxa uu maanta ku keeneen.

image

image

image

image

image

Q.w.sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s