Daawo Sawirada Munaasabad lagu soo dhaweenayay Gudoomiye Cirfo oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasbad si Heer sare ah loo soo Agaasimey oo lagu soo Dhaweynayo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo uu Dhawaan u Magacaabey Gobolkaas Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu qabtey Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galey Xildhibaano , Siyaasiyiin , Odoyaasha Dhaqanka , Culimaudiin ,Ganacsato . Ahlu –Suna Waljameeca , Gudoomiyayaasha Degoomyinka Gobolka Banaadir , Haween iyo Dhalinyaro.

Ugu Horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Imaam Cumar Macalin Abshir oo oo ku Furey Ayaadaha Qu’aanka waxaana uu si weyn ugu dheeraadey sida Bushada looga baahan yahay in ay mar kasta ay Adeecaan Madaxdooda taasoo uu sheegey in lagu gaari karo Midnimo iyo Hurumar , wuxuuna u soo jeediyey Bulshada ku nool Gobolka Galgaduud in ay Garab istaagaan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galfaduud Xuseen Cali Wehliye .

Xubnihii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenka Beelahaas Axmed Diiriye waxayna labadooda ay sheegeen in Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Glgaduud Xuseen cali Weheliye uu ka shaqeeyo sidii Shacabka ku Nool Gobolkaas uu u dhex dhigi lahaa Dib u Heshiisiin maadam,aa 23 Sannao ee la soo dhaafey Beelaha Dega Gobolkaa uu ay dhaxeysey Xurguf sidii kale waxay ugu baaqeen Bulshada Gobolka Galguduud in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub,

Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu-Sunna Cabdi Cali Fiidow oo sheegey in Culima’udiinka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ay Diyaar u yihiin oo ay soo dhaweynayaan Gudoomiyaha Gobolka Galguduud Xuseen Cali Wehliye ayna la shaqeynayaan , sidoo kale waxaa uu sheegey Cabdi Cali Fiidow in la gaarey waqtigii Bulshada ku nool Gobolkaas ay u Midoobi lahaayeen islamarkaana meel uga soo wada jeesan lahaayeen Caddowgooda .

“Hadii aan nahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Galguduud waxaan diyaar u nahay in aan la shaqeyno Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye sidoo kale waxaan ka shaqeyn doonaa siddii uu Xiriir Wanaagsan u dhaxmari lahaa Dowlada Federaalka iyo Madaxda Cusub ee Gobolka galduud , waxaan u soo jeedineynaa Gudoomiyaha Cusub in uu wax weyn ka bedelo xaalada Gobolka Gaduud oo ay Ragaadiyeen Dagaalo iyo kala Qoqabnaan iyo sidii Bulshada Gobolkaas uu dhex dhigo Dib u Heshiisiin Dhab ah”ayey yiraahdeen Xildhibaanadii ka soo jeedey Gobolka Galgaduud oo Munaasbadaas ka Hadley.

Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo Dhawaan loo Magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Munaasbadaas Gabagabadeedii ka Hadley ayaa sheegey in uu Taageero weyn ka sugayo Shacabka Gobolka Galgaduud waxaana uu Hoosta ka Xariiqey in Keligiis uu san wax qaban Karin sidoo kale waxaa uu sheegey in Beelaha ku nool Goboklkaas uu u qaban doono Shirweyne Dib u heshiisiin ah waxaa uu sii raaciyey”Muddo 23 Sanno Goboka ma helin wax maamul marka waxaa doonayaa in aan wax badan ka qabto Dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka , Biyaha iyo Adeegyada kale ee ay Bulshadu u baahan tahay “

Waxaa uu ugu baaqey Xuseen Cali Weheliyey Hayadaha Samafalka in ay Gobolka ka Howgalaan isagoo sheegey in Maaamulka uu Damaanad Qaadayo Amaankooda sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Dibadiisa kana soo jeeda Goboka Galguduud in ay u istaagaan sidii Gobolka Dib u Dhis ugu sameyn lahaayeen sidoo kale waxaa ugu u soo jeediyey Bulshada ku nool Gobolkaas in ka shaqeeyaan oo ay u Midoobaan sidoo Gobolka uu u gaari lahaa Gobolada kale ee Horumarka Sameeyey.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s