Al-Shabaab oo shaacisay in ay hada iska dhaafeen waxyaabo ay dadku ku dhibsadeen Maamulkooda(Top News).

Dhagar qaba yaasha  Al-Shabaab Saraakiil sare oo katirsan ayaa Shaaca ka qaaday in ay iska dhaafeen karbaashka dadka ku dhaqan Deegaanada ay ka taliyaan’ ay la dhici jireen  iyagoona tilmaamay in karbaashkaasi ay dad badan ku naceen, degaanadoodana looga yaacay.

Fu’aad Maxamed Qalaf (Fu’aad Shangole) oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab oo maanta Khudbad u jeediyay mid kamid ah Beelaha Dega Gobolka Sh/Hoose ayaa tilmaamay in ay iska dhaafeen karbaashka ama garaacida dadka shacabka ah ee gala dambiyada kala duwan.

‘’Waxaan go’aansanay in aan iska dhaafno karbaashka dadka ku dhaqan Deegaanada aan maamulno , karbaashka ayaan bilownay mar hore hadana waxaan u joojinayay in dadka in la garaaco aysan waxba ku qaadaneyn waxaana hada garanay oon usoo jeesanay in aan dadka diinta barno si aan garaacis uga maarano’’ ayuu yiri Fu’aad Shangole oo dadkii xadhigooda iyo dilkooda kq cararay u gacan hatinaya .

Dhinaca kale Fu’aad Shangole ayaa ka hadlay lacag Shan Milyan ah ay Dowlada Mareykanka madaxiisa dul dhigtay waxa uuna tilmaamay in aysan wax wal wal ah arintaasi ku heyn taa badalkeedana uu isagu Madaxweynaha Mareykanka dul dhigay ilaa 10-neef oo geel ah .

Wuxuu yiri isagoo jees jeesaya,
“ma maqasheen Anigan Miskiinka ah Maraykanka ayaa Iraadinaya,Shan Malyan ayaan ugu qoranahay,Anigana Obama waxaan ku qoray Toban Neef oo geel ah,waliba tobankaasi Neef oo geel ah suldaan Cali wuxuu yiri Beesha Jiido ayaa bixinaysa”ayuu Yiri  Fu’aad.

Hadalka kasoo yeeray Fu’aad Shangole oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa imaanaya xili Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanada ay Kooxdaan maamulaan ka cabtaan dhibaatooyin ay kala kulmaan Al-Shabaab ay ugu horeeso karbaash iyo ciqaab dilkuna udheer yahay  taa oo keentay in dad badan ay dhibsadaan kunoolaanshiyaha deegaanada ay Shabaab maamulaan kaliftayna in dad badani uga qaxaan goobahay maamulan iyo wadankaba.

Q.w.sugulle mohamoud.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s