Salaad Cali Jeelle oo ku qarxiyay dowlada Soomaaliya iyo Cabdi Raxmaan Faroole

Wasiir ku-xigeenkii difaaca ee dalka xilligii xukuumadii Cali Geedi ayaa waxa uu dowlada Soomaaliya eedeyn aad u balaaran u jeediyay, isaga oo sidoo kele Cabdi Raxmaan Faroole ku qarxiyay oo uu ku sheegay nin aan ogeyn halka awoodiisu ku egtahay.

Salad Cali Jeelle ayaa waxa uu sheegay in dowlada laga doonayay in ay Jubaland ula macaamisho hanaan wanaagsan maadaama dowladu aysan awood u laheyn in ay si khasb ah ku muuquniso.

“Dowlada waxaa ku habooneed in ay xoog kumuuqiso Jubaland hasa yeeshee waa usuura geli weysay. Waxaa ku habooneed markaanna in ay wada xaajood gasho, mana yeelin. Awood iyo wada xaajood wax ka dhaxeeya malahan sidaas darteed dowladu waa ku dhaliilantahay hanaanka ay u wajahday Jubaland”, Salad Cali Jeelle ayaa kuwaramay.

Dhanka kale, Salad Cali Jeelle ayaa waxa uu ku eedeeyay Cabdi Raxmaan Faroole, madaxweynaha maamulka Puntiland in uu yahay ruux gashaday kaba ka weyn oo uu ula jeeday in uu raadinaayo awood uusan laheyn arintaas oo ah mid aan ku habooneyn ruux masuuliyad sheeganaaya.

“Faroole in uu Dastuurka dalka ka hadlo xaq uma laha. Dastuurka hadii wax laga bedelaayo xitaa waxaa shaqo kuleh baarlamaanka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin mudanayaal metelaya halka uu Faroole kasoo jeed”,Wasiir ku-xigeenkii difaaca ee dalka xilligii xukuumadii Cali Geedi ayaa sidaa ku waramay.

Si kastaba hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo dowladuna ay ku jaha wareersantahay arinta Jubaland, Faroolana uu maalin kasta soo saaro warar uu ku dhaliilayo dowlad Federal-ka iyada oo halka ugu weyn ee uu diirada saaraahi ay tahay dastuurka dalka oo uu ku andacoodo in wax kabedel lagu sameeyay.

Q.w.sugulle mohamoud
Bodo.Nordland.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s